Picture of Bashir M. Xersi

Articles by Bashir M. Xersi

​Boggaan waa bogga Qoraaga Bashir M. Xersi

Faallo Bashir M. Xersi | 17 May 2021

Farriintan waxaan ugu talogalayaa; madaxda hadda joogta ama iman doonta iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay cashar siyaasadeed iyo mid maamul ugu noqdaan qof walba oo xil doorasho ama xilasho qabta, maxaa yeelay, waaya’aragnimada laga helay afartii sano ee sawaxanka iyo indhasarcaadinta, ee ku dhammaatay duullaan iyo dhiig; qori caaraddiis, waxa lagama maarmaan ah, inay wax noo taraan ayaamaha dambe.

Faallo Bashir M. Xersi | 8 May 2021

Aan ku billaabo, inaan marka hore bogaadiyo; qof, qolo ama urur walba, ee KELITELISNIMADA Maxamad Farmaajo ku diidday; af, aragti, addin ama uur, anoo shuhaddadii ku naf waayey jannadii u baryaya, lehna halganku ma dhammaane yaan la is dhigan, haraadigii halaaggu weli hoteellada ayey idiin jiifaan, ee yaan laga harin.

Faallo Bashir M. Xersi | 24 April 2021

Bishii agoosto 2018 ayaa qormo falanqayn ah oo halbeeggeedu ahaa: “TUUTAHA Formaajo TAANGIYAA xiga!” aan ku dhiraandhiriyey, in aan laga filan karin ninka sanad iyo barka uu joogay gaystay falaldambiyeedyadaa kala duwan, haddana kala daran, wax ka baxsan diririn sababteeda ay leedahay aragtida ah: Xamar oo dunta ama dulmigeyga kala doorta!

Faallo Bashir M. Xersi | 9 February 2021

Marka laga yimaado dagaalkii ay jabhaduhu ku rideen Maamulkii milatari ee xukuumadii Maxam Siyaad Barre oo ka  talinayay Dalka mudadda gaaraysa 21 sanno iyo dagaalkii sokeeya ee xigay ee meesha ka saaray hanaankii iyo hogaankii dowladnimo ee soomaaliya, waxaa laga joogaa mudo 30 Sanno ah oo dadkeena iyo dalkuba soo mareen marxalado kala duwan oo sheeko, shaahid iyo shaqsiba u soo joognay, mudana in la sadareeyo oo wax laga yiraahdo si loo saxo wixii qaldamay, mar kalana loo marin habaabin kacdoomadii iyo dadaalkii shacabkeenu u muujiyay in wax noo hagaagaan.

Maqaallo Bashir M. Xersi | 4 February 2021

‘Talo adigaa ku nool, ee iyadu kugu ma noola’ ayaa la yiraa. Aniguna waxaan dhahaa; ‘ayaandarro waxaa ugu weyn talada oo kaa hoosbaxda!’ Waxaan uga socdaa, tagtada iyo tacaddiyadii dhacay ha noo dambeeyaane, aan u/ka talinno taaganta, si aan timaaddadu nooga hallaabin.

Faallo Bashir M. Xersi | 26 January 2021

Qofku saddax gumaysi ayuu u dhexeeyaa, oo wax madaxa ka qabsada waxaa ugu xun AQOONLI’DA, waxaana ku xiga KELITELISKA, waxaana ugu dambeeya awood-ku-qabsiga.

Falanqeyn Bashir M. Xersi | 22 January 2021

Bulsho waxay ku wadajoogtaa ku dhaqmidda xeerar qoran ama dareenqaadasho ah, dawladse waxaa haga xeer qoran oo keli ah, labadaa wixii ka soo hara waa xeerar duurjoog iyo dugaag.

Maqaallo Bashir M. Xersi | 18 January 2021

Dulmigu waa labo nuuc; mid qofku taagtiisa qof, qolo ama qabiil ku galo iyo mid uu u adeegsado awood intaa ka baxsan! Waa qofka si uu kuu waxyeelleeyo, kuu adeegsada itaal uusan lahayn, oo af ama addin leh; mar afmiishaar uu afka u buuxshay kaa adeejiya, marka kalana ciidan dawladeed ama cudud shisheeye kugu muquuniyo.

Maqaallo Bashir M. Xersi | 15 July 2020

Dhammaadkii 2005 ayaan qoray faallo halbeeggeedu ahaa: "Door intee la eg ayey ka ciyaaraan web-Beeleedyadu Hurinta Colaadaha?!" oo eheed qoraalkii u horreeyey oo website iigu soo baxa, aanse ahayn qoraalkii u horreeyey ee aan qoro, oonna ku faaqiday kaalinta mareeguhu ku lahaayeen, welina ku leeyihiin hurinta colaadaha, kicinta dadweynaha, isku dirka iyo dilka beelaha iyo bulshada Soomaaliyeed.

Faallo Bashir M. Xersi | 6 September 2014

Bashiir M. Xersi — Saddex Maalin baan sugayey in si rasmi ah loo xaqiijiyo dilka Hoggaamiyaha Argagixisada Soomaaliya “Alshabaab” ee Axmed Aw Cabdi Godane. Degdeg ma fiicnee, waxaan dhawraba, hadda, oo uu Kaba Weyne (Maraynkan) caddeeye, oo isagu fuliyey falka dilka horena u qorsheeyey, malaha Godane iyo gafuurro duubtuna horay ugu shaqayn jireen, aan dhawr sadar iyo dhigaal yar sooyaalka u dhigo.

Faallo Bashir M. Xersi | 18 August 2014

Bashiir M. Xersi — Xilliyadii Siyaad Barre xukunkiisu jiray, weliba markii uu ugu awoodda badnaa, ayaa la soo qabqabtay dhawr lagu tuhmayay xagjirnimo. 10 ka mid ah baa tiirka la geeyay oo la toogatay, maalintii ku xigtay ayaa la yiri; “Qaar baa harsan weli oo dhuumaalaysanayee ha la soo qabto”.

Faallo Bashir M. Xersi | 16 August 2014

Bashiir M. Xersi — Dalka intii aan Abbaha burburka Soomaaliya (Siyaad Barre) iyo jabhaduhu kala daadin, dadkana kala dilin waxaa aqoonta iyo waxbarashada hoggaanka u hayey, oo halbeeg iyo u ahayd cabbir saddax qolo, oo mid walba heer ka dib ay shiiqday kaalintoodii, siyaabo kala duwan, waxayna kala yihiin: 1- Talyaani. 2- Soofiyeet. 3- Galbeed.

Faallo Bashir M. Xersi | 12 August 2014

Bashiir M. Xersi — Nin muddo badan ka soo muuqanayay Sawirrada laga soo qaado bannaan baxyada beeleysan, ee caadada u noqday dadka soomaaliyeed, ayaa la weydiiyay; “Ninyahow, ilaa intaan ku arkeynnay bannaan bax aan waxba soo kordhinayn uun baad ku jirtaaye, maxaa kuugu wacan? Miyaadanse ka daalin waxaan ujeeddo suubban oo ka danbeysa laheyn?”

Faallo Bashir M. Xersi | 6 August 2014

Bashiir M. Xersi — Hadda ka hor nin baa dukaan lahaa, oo wuxuu ku gadijiray badeecada jaadadkeeda kala duwan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dukaankii u soo gashay naag uur leh oo ilma yarna xambaarsan. Islaantii markay gudaha u soo gashay dukaankii ayey inta sinaha qabsatay, dukaanlihii ka dalbatay inuu u soo dejiyo alaab iskafaallaha saarnayd.

Faallo Bashir M. Xersi | 30 July 2014

Bashiir M. Xersi — Dhaqammada gurracan ee Soomaali gaasiray gunta iyo guddoon xumada biday waxaa ka mid ah in had iyo jeer ay gar wadeen u yihiin kuwooda ugu liita ama ugu doqonsan dhan walba, xag hal abuur, xag hormarineed, xag wax soo saar iyo xago kale oo badan, haddana, ay mar walba yihiin MAHDIGA mashkulidda iyo macallinka munaasabadda, oo aan qofna ka daba hadli karin, xaajadan kaligii marooqsanayo.

Warar Bashir M. Xersi | 20 July 2014

Bashiir M. Xersi — Naf walba maalinteed ayey go’aysaa, goorteeda gallin kama dama marto, oo waa la wada geeriyoonayaa, haddana, la ye; “Geeriye, Geeljire iyo waxay ku roon tahay qof aadan aqoon”.

Faallo Bashir M. Xersi | 13 July 2014

Bashiir M. Xersi — Muuqaalka la isaga wada eg, haddana, lagu kala gaddisan mabda’a iyo mansabka, magaca la isaga wada eg, haddana, lagu kala gaddisan maamuuska iyo misaalka, maamulka la isaga wada eg, haddana, lagu kala gaddisan maaraynta. Marna muruqaa, marna maankaa, labadaa waxaa u dhexeeya waa maahsanaan iyo mala’awaal, madadaalo iyo malaa yacin.

Warar Bashir M. Xersi | 1 July 2014

Bashiir M. Xersi — Sida caadada ah bil walba, maanta oo kal 01/07 waxaa loo dabbaaldegaa, maalinta XORRIYADDA gobollada koorureed iyo midawga koofur iyo waqooyi.